Home Afsomali Qorsho Cali Guudlaawe baladweyne lagu geynayo oo socdo Ciidamo iyo fara badan...

Qorsho Cali Guudlaawe baladweyne lagu geynayo oo socdo Ciidamo iyo fara badan oo

Qorsho Cali Guudlaawe baladweyne lagu geynayo oo socdo Ciidamo iyo fara badan oo

saaka lagu arkay waddooyinka qaar ee Magaalada Beledweyne, kuwaas oo joojiyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Ciidamada la dhigay Beledweyne ayaa saameyn ku yeeshay Ganacsiga Magaalada, waxaana xiran Goobaha Ganacsiga Magaalada Beledweyne, sida ay warbaahinta u sheegeen dad ku sugan Beledweyne

Sababta Ciidamada loo dhigay waddooyinka qaar ee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe oo ay wehlinayaan Xubno uu kamid yahay Wasiirka Amniga Soomaaliya ay ku wajahan yihiin Magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale Magaalada Beledweyne waxaa qeyb kaga sugan Ciidamo la magac baxay kacdoonka Gobolka Hiiraan, kuwaas oo siweyn uga soo horjeeda in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu tago Magaalada Beledweyne iyo dadweyne careysan oo xalay waddooyinka qaar ee Beledweyne dhagxaan kujaray.

In kastoo xaaladda Magaalada Beledweyne ay tahay mid degan ayaa hadana waxaa siweyn looga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo iska soo horjeeda iyo Goobaha Ganacsiga qaar oo xiran.

Previous articleGuddiga doorashooyinka Galmudug oo shaaciyay qabashada doorashada 8 kursi
Next articleDiiwaangelinta musharrixiinta kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo ka billaabatay Jowhar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.