Taliyahii NISA ee Magaalada Baydhabo oo xabsiga loo taxaabay
Media ayaa xaqijinaya in la xiray Caydaruus Batis oo ah taliyaha ha’yadda sirdonka iyo nabad sugida qaranka u qabilsan magaalada Baydhabo.
Ilo sirdoon oo lagu kalsoonan karo ayaa warbaahinta Halgan Media u xaqiijiyay in xariga taliye Caydaruus Batis yimid kadib markii la ogaaday in uu amray in la xiro qof shacab, kadibna u qoyska ka dalbaaday lacag baad ah oo garayo toban kun oo dollar. (10,000)
Sida aan xogta ku helnay, qofka shacabka ayaa la xiray, kadibna la geeyay guriga taliye Caydaruus Batis, kadibna wiilka qoyska ayaa ka war helay wiilkooda uu u xiranyahay taliyaha Nabad Sugida u qabilsan magaalada Baydhabo islamarkaane uu dalbaday lacag gaareeysa 10,000 dollar.
Qoyska markii ay u tageen Taliye Caydaruus Batis, wuxuu uu sheegay in wilkooda ay haystaan taliska NISA ee Muqdisho, loona bahanyahay toban kun oo dollar (10,000) si loo xaliyo kiiska, isagana yahay qofka keliya loo maro.
Hase yeeshe, qoyska wiilka way ka tagan taliyaha NISA ee magaalada Baydhabo, Caydaruus Batis, kadibna way soo labaden sacado kadib, iyagoo oo sheegay in keliye ay awoodan 500 dollar, balse taliye Caydaruus Batis ayaa diiday in uu sii deeyo wiilka, una 500 dollar-ka qaato, hasa ahaate wuxuu ku xujeeyay hadii ay wilkooda raban in ay bixiyan 10,000.
Intii uu hadalkas socday, mid kamid ah ehelka wiilka afduubka lagu heysto ayaa si qarsoodi telefonka codka taliyaha ku duubay sida aan kasoo xiganay ilo sirdoon oo kiiska xogagal uu ah.
Kadibna qoyska wiilka way ka dhaqaaqeen guriga, waxayna codka qarsoodiga ay ka dubeeen taliyaha NISA ee magaalada Baydhabo la wadagen taliska sare NISA u qabilsan maamul goboladka Koonfur Galbeed, taasi oo ugu dambeeyntii keentay in taliye “Shaahiyow” oo ah taliyaha NISA u qabilsan guud ahaanba Koonfur Galbeed u amro in la xiro Taliye Caydaruus Bati.
Hoos waxad ka arki karta sawirka Caydaruus Batis oo ah taliyaha NISA ee magaalada Baydhabo oo ay Halgan Media gacanta ku dhigtay.