Home Afsomali Madaxweyne Qoorqoor oo gaaray degaano ku yaalla Mudug

Madaxweyne Qoorqoor oo gaaray degaano ku yaalla Mudug

Madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo, ayaa safar dhulka ah ku gaaray deegaanada Kheydaro iyo Bajeelle halkaasi oo uu ugu kuur galay xaaladaha guud ee labada deegaan, isagoona kaga sii gudbay degmada Wisil ee gobolka mudug.

Wafdiga madaxweynaha oo ka kooban xildhibaano Federaal ah, wasiiro iyo xildhibaano katirsan dowladda Galmudug, gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, iyo qaar kamid ah gudoomiyayaasha degmooyinka Galmudug ayaa soo gaaray degmada Wisil oo maanta golaha wasiiradu u aqoonsadeen inay kamid noqoto degmooyinka rasmiga ah ee Galmudug.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la yeesho maamulka iyo shacabka degmada Wisil si uu madaxweynuhu ugu kuur galo xaaladaha guud ee dagmada Wisil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.