Home Afsomali Baaritaan lagu ogaaday sababtii fududeysay weerarkii Al-Shabaab ee saldhigga Mareykanka

Baaritaan lagu ogaaday sababtii fududeysay weerarkii Al-Shabaab ee saldhigga Mareykanka

Baaritaano Millateri ayaa lagu ogaaday hoggaan xumo, tababar aan ku filneyn iyo “dhaqan is hooseysiin ah” oo ka dhex jira ciidamada Mareykanka uu wiiqay dadaalladii lagu doonayey in lagaga hortago weerar ay sanadkii 2020-kii lagu qaaday saldhigga Manda Bay ee ciidamada Mareykanka ee Kenya.

Weerarkaas oo ay fuliyeen Xubno katirsan Al-Shabaab oo ku sugan Kenya ayaa lagu dilay saddex qof oo Mareykan ah, waxaana sheegtay Ururka Al-Shabaab.

Xogta baaritaanka ayaa waxaa wakaaladda wararka ee AP la wadaagay saraakiisha Mareykanka ee baaritaanka la socda kahor inta aan la sii deyn natiijada.

Al-Shabaab ayaa markii uu dhacay weerarkaas sheegtay, iyaga oo sheegay inay ku dileen saraakiil Mareykanka ah, sidoo kale ay burburiyeen diyaarado ay lahaayeen Ciidamada Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.