Maleeshiyaad hubeysan ayaa weerar ay qaadeen waxaa ay Nin Shacab ah ku dhaawaceen Aaga Xera-aruuris oo dhanka Bari ka xiga degaanka xananbuure oo katirsan Gobolka Galgaduud, iyaga oo goobta ka baxsaday.
Ninka oo dhaawaciisa la geeyay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu Magacaabaa Haad-kaboole, waxaana xilliga la dhaawacayay uu ku howlanaa rarida qoys degan degaanka xananbuure.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in weerarkaan dhaawaca ah uu salka kuhaayo dilal aanooyin qabiil ah oo dhowr jeer horay uga dhacay degaanka xananbuure iyo degaano kale oo katirsan Gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in saaka xiisad dagaal oo ka dhalatay weerarka Ninka lagu dhaawacay ay ka taagan tahay degaanka xananbuure balse Odayaasha dhaqanka ay wadaan dadaalo ay ku qaboojinayaan xiisadda maadaama lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.