Home Afsomali Dowlada Xamar oo $11.7 Milyan oo doolar gaarsiisay maamul goboleydka  Somaliland

Dowlada Xamar oo $11.7 Milyan oo doolar gaarsiisay maamul goboleydka  Somaliland

Dowlada Xamar oo $11.7 Milyan oo doolar gaarsiisay maamul goboleydka  Somaliland

Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guuleed,oo aan hargeysa tagi karin  ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay lacag gaaraysa $11.7 Milyan oo doolar la gaarsiiyey Somaliland.

Lacagta ayuu sheegay in galabta la gaarsiiyey guddiga gurmad Suuqa Waaheen si wax looga qabto dib-u-dhiska suuqa oo dad badani ay ku hanti beeleen.

Lacagtan oo ku jirtay khasnadda dowladda federaalka Soomaalia ayaa horay waxaa u fasaxay Raysal wasaaare Maxamed Xuseen Rooble, ka dib musiibadii ka dhacday suuqa Waaheen.

Mid ka mid ah agaasimeyaasha Bangiga Dhexe oo lagu magacaabo Xundubeey Axmed Bashiir ayaa Facebook ku shaaciyey in lacagta lagu daray hal miyan dheeraad oo dowladda federaalku ay ugu deeqday gurmad suuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.