Home Afsomali Dagaal Xoogan oo ka socda wisil oo ka tirsan Gobolka Mudug

Dagaal Xoogan oo ka socda wisil oo ka tirsan Gobolka Mudug

Dagaalka oo aad u xoogan ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa Ciidamada Galmudug oo kaashanaya maleeshiyaad degaanka ah iyo Al-Shabaab, wuxuuna ka socdaa Degaanka Qararow oo dhawaad 50KM u jira magaalada Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Daraawiishta Galmudug ay weerar ku qaadeen Goob ay isku aruuraanayeen Al-Shabaab.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay dagaalka, waxaana weli degaanka Qararow laga maqlayaa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay labada dhinac is weeydaarsaanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.