Home Afsomali Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Martida alle ee Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Martida alle ee Xujeyda

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa Beydka Alle.

Xukuumadda Sacuudiga ayaa sheegtay tirada Xujeyda sanadkan  la gaarsiin doona hal milyan oo Xujey ah oo ka imaanaya gudaha iyo dibadda Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo la raacayo qoondada loo kala qorsheeyay Waddamada Caalamka.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa sheegtay in la qorsheeyay sanadkan dadka ka qeeyb galaya Xajka in ay da’dooda ka hoseeyso 65 sano, iyadoo sidokale la sheegay in looga baahan yahay caddeeynta tallaalka COVID-19.

Dhamaan  dadka ka imanaya dibadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa laga rabaa inay soo gudbiyaan natiijada baaritaanka PCR ee fayraska Corona, 72 saacadood gudahood.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa Xujeyda sanadkan ka codsatay inay u hoggaansamaan hannaanka loo dajiyay gudashada Xajka, isla markaana ay raacaan talaabooyinka looga hortaggaya  Xanuunka Covid 19,  inta lagu jira gudashada waajibaadka xajka, si loo ilaaliyo guud ahaan badqabka Xujaayda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.