Home Afsomali Qoys Soomaaliyeed oo ka barakacay colaada Jubbooyinka oo qaar ka mid...

Qoys Soomaaliyeed oo ka barakacay colaada Jubbooyinka oo qaar ka mid ahaa Caruurtoodi jaago ugu geeriyootay Xerada Dhadhaab ee dalka Keny

Sadddex Carruur ah oo ka mid ah qoysaskii kasoo barakacay gobollada Jubbooyinka ayaa gaajo iyo macluul ugu geeriyooday xerada Dhagaxley ee Kaamka Dhadhaab ee dalka Kenya.

Dhimashadan ayaa imaaneysa iyadoo caruur badan ay wajahayaan xaalad cunto la’aan ah maadaama qaxootiga cusub aysan helin gargaarka samafalka ah.

Guddoomiyaha Xerada dhagaxleey oo dhimashada Carruurta xaqiijiyay ayaa sheegay in xaalad bani’aadannimo oo aad u daran ay kajirto xerada, isla markaana dadka kunool oo kor u dhaafaya ilaa 40,000 oo Ruux aysan weli helin wax gurmad ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in xaaladda macluusha ah ay weli ka taagan tahay Xerada Dhagaxleey, waxaana Cabdullaahi Cali Aadan uu dalbaday in dadkaasi gurmad deg deg ah lala soo gaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.