waxaa caawa Hotelka la weeraray shir ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta ganacsato beesha Dhulbahante iyo masuuliyiinta ku metesha dowladda federaalka.
Ugu yaraan 10 xildhibaan oo beesha Dhulbahante ka soo jeeda Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya iyo siyaasiyiin uu ku jiro hoggaamiyihii hore ee maamulkii Qaatumo State Maxamed Yuusuf Jaamac Indhasheel oo ka soo wada jeeda beesha Dhulbahante ayaa ku shirsanaa Hotelka la ogaaday in ay ku shirsan yihiin lana weeraray
Sida la inoo xaqiijiyey xubno ka mid ah masuuliyiintaas waxaa lasoo badbaadiyey inta badan dadkii ku shirsanaa Hotelka ee beesha Dhulbahante ka soo jeeday.
Qarax gaari loo adeegsaday oo lagu dhuftay afaafka hore ee Hotelkaas oo lagu magacaabo Pescatore, ayuu ku bilowday weerarkaan xili wadada gaariga loo fusudeeyey sida muuqata oo àmaanka aad loo adkeeyey , wuxuuna Hotelkaasi ku yaallaa inta u dhaceysa Hotellada Beach View iyo Oceian View ee xeebta Liido.
Shaqaakaha Adeega gurmadka deg dega ah ee Amin Ambalaas ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dhimashada 6 qof iyo dhaawacyada tiro kale, waxaana weli gudaha Hotelka laga maqlayaa risaas tell tell ah
Dadka ku dhaawacmay weerarkaan waxaa ka mid ah Taliyaha ciidanka birmadka ee booliska Soomaaliya Jeneraal Siyaad, waxaana weli socda dadaalo lagu badbaadinayo dadka gudaha ku jira, maadaama ay rag hubeysan ka dagaalamayaan.
Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya dad xoog leh oo qaraxa ka dhashay iyo rasaas si darandoori ah u dhaceysa, waxaana kala cararay dad aad u badan oo ku caweynayey barxadda weyn ee Xeebta Liido.
Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa Taliye Abukar maxamed oo ahaa xog haynta Taliyaha ciidanka Booliska