Mujaahid cornel Cabdikariin muse qalbi dhaqagax oo madxtooyada villa Somalia shahaado sharaf uu ku gudoonsiiyey raiisal wasaare rooble.
Dhawaan waxaa igu maqaalo ah in uu ku casuuman yahay hoolka doorashada madaxweynaha.
Maalinta dorashada 15 may waxaa hoolka la geyn rabaa corneal qalbi dhagax oo aqrin doono aayadaha quraanka ee furitaanka doorashada maxay kula tahay hadii ay fiqi iyo firinbi arintaa ka dhabeeyaan
Calanka jfs Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa iyo xarunta Xukuumadda ku qaabilay halgamaa Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbidhagax oo sanadkii 2017-kii si sharciga baar marsan loogu gacan galiyay Dowladda Ethiopia.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Qalbidhagax ka xaalmariyay gaboodfalkii lagula kacay isaga iyo ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii Jannaayo ee sanadkan baabi’isay go’aan ay horay u gaareen Golaha Wasiirradu, kaas oo Qalbidhagax iyo ONLF ku tilmaamay argagixiso.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Halgamaa Cabdikariim Sh. Muuse Qalbidhagax huwiyay calanka Jamhuuriyadda, guddoonsiiyayna billad, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen, muwaadinkan Soomaaliyeed ee sida gardarrada ah loogu gacan galiyay dal shisheeye.
https://youtu.be/pzTK0r-97hs