Wararkii u dambeeyey dagaalka Dhuusamareeb oo sii xoogeystey ciidamo mareykanku tababaray oo ku biiray iyo Khasaare ka dhashay oo kordhay natiijo la.aana ku dhamaandoono
Waxaa sii xoogeystay dagaalka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ku dhexmaraya Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogagga Ahlusunna oo soo weeraray Magaalada.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa qeybo kamid ah Magaalada Dhuusamareeb, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, sidoo kalena Gaadiidka dagaalka ee Cabdi Billaha ay wataan labada dhinac ee dagaalamaya.
Saraakiisha Ciidamada DF ayaa warbaahinta la wadaagay in Ciidamadu dagaal adag kula jiraan dagaalyahano kale oo ku jiray aaga xero-gaadiid kuwaasoo markii xerada laga saarey galay dhismayaal ka dambeeya xaruntii hore ee Hey’adda SwissKalmo.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada Dowladda ee Gorgor iyo Haramcad oo mareykanku tababaray ay dagaalka kubiireen, kuwaas oo doonaya inay Magaalada ka saaraan dhinacyada ay kasoo galeen Ciidamada xoogagga Ahlusunna.
Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalka kasoo gaaray dad rayid ah iyo dhinacyada dagaalamay, waxaana Maanta xiran inta badan Goobaha Ganacsi ee Magaalada Dhuusamareeb.
https://youtu.be/pzTK0r-97hs