Home Afsomali Dalka Filand oo ruushku diyaariyey ciidamadii weerari lahaa haduu ku biiro Gaashaanbuurta...

Dalka Filand oo ruushku diyaariyey ciidamadii weerari lahaa haduu ku biiro Gaashaanbuurta Nato

Ruushka ayaa sheegay inuu ku qasbanaan doono inuu qaado “tallaabooyin aargoosi ah”, haddii dalka deriska la ah ee Finland uu ku biiro gaashaan buurta Nato.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka ayaa lagu sheegay in qorshaha Finland uu si weyn u dhaawici doono xiriirka labada al, iyo weliba ammaanka iyo xasilloonida waqooyiga Yurub.

Goor sii horreysay, Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Finland ayaa labaduna ku baaqay in dalkooda uu si degdeg ah u codsado kamid noqoshada gaashaan buurta Nato.

Shacabka Finland ayaa mudadii dambe si weyn u taageeray in dalkooda uu kamid noqdo Nato, kadib markii uu Ruushka ku duulay waddanka deriska la ah ee Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.