Home Afsomali Guddoomiye Jeyte oo ka hadlay dilalkii ka dhacay Beledweyne farriin hanjabaad ahna...

Guddoomiye Jeyte oo ka hadlay dilalkii ka dhacay Beledweyne farriin hanjabaad ahna diray

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si kulul uga hadlay dilalkii qorsheysnaa ee dhawaan Magaalada Beledweyne loogu geystay, Mas’uuliyiin, Askar iyo Odayaal dhaqan.

Guddoomiyaha oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Beledweyne kadib muddo uu ku sugnaa Muqdisho ayaa sheegay in Magaalada Beledweyne ay ku bateen dilalka taasina ka maakjl ahaan aysan aqbaleyn.

Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan oo si kulul uga hadlay dilalka ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in tacsi ay taallo Magaalada Beledweyne, isla markaana ka maamul ahaan ka jawaabi doonaan.

Hadalkaan kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa daba socda dilal qorsheysan oo ka dhacay Magaalada Beledweyne, sidoo kalena laamaha Amniga Magaalada ay sameeynayeen howlgallo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.