Home Afsomali Aqriso magacyada Gudiga qabanqaabada caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo iyo xili ay dhaceyso

Aqriso magacyada Gudiga qabanqaabada caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo iyo xili ay dhaceyso

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, ayaa  magacaabay guddi ka kooban sideed xubnood oo loo xil saaray qaban qaabada xafladda caleemo-saarka madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xafladda caleemo saarka ayaa waxaa la sheegay inay dhici doonto 22-ka bishan Febraayo, sida ku cad qoraal kasoo baxay Xafiiska ra’iisul wasaare ku xigeenka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajao ayaa lagu doortay doorasho magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacday sideeddii bishan.

waxayna doorashadaasi u ekeyd mid qof iyo codkiis ah inkasta oo ay u dhacday si dadban qaarkiina inta badan bulshada soomaaliyeed isku raaceen hogaamintiisa gadaal si ay ka Noqotaba.

la soco qeyo dalka ka mid ah sidaan ayaa baahi iyo haraad loogu dhimanayaa

Xubnaha  Guddiga  qaran ee loo xilsaaray xaflada oo ka kooban 8-qof waxaaa ay dhammaantood ku jiraan gollaha wasiiradda ee xukuumadii Cumar cabdirashiid ee waqtigeedu dhammaaday,wana kuwo aan looga baran in ay bulshada wax u qabaan

waqtigoodiina waxay ku dhameeyeen safar ay ku sheegaan in ay heshiis dowlad la soo galeen iyo shir ayaan ka qeybgalay.

waxaana ka mid ah:-

  1. Cabdullaahi Axmed jaamac “ Ilkajir” -Guddiga Addegga iyo diyaarinta goobta.
  2. Cabdirisaaq Cumar Maxamed  -guddiga sugida Amniga
  3. C/raxmaan xuseen Odowaa-  Guddiga sugida amniga
  4. Axmed Cali Kediye  Guddiga Habmaamuuska iyo xiriirka Caalamiga.
  5. Maxamed Aadan Ibraahim “Farkeeti” guddiga maaliyada.
  6. Muddane Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Caynte Xiriiriye.
  7. Siciid Xuseen Ciid Guddiga diyaarinta Barnaamijyada
  8. Maxamed Cabdi Xayiri “ Maareeye”  Guddiga Warbaahinta iyo Iclaamka.

in badan oo ka mid ah siyasiyiinta soomaliyeed ayaan la dhacsaneyn qaarka mid ah magacyada gudiga lagu darey kuwaas oo howlahooda horey loou arkay musuqmaasuq iyo wax isdabamarin waxaayna ka digeen in ay jalaafeynin madaxweynaha cusub ee loo dhan yahay u codeyntiisa waxaana lagu tilmaamay in uu la mid yahay madaxweyne soomaaliya oo dhan ay u codeysay.

https://youtu.be/paZuFMTwuLc

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.