Boqolaal ruux xoogsatadii horay looga eryay Dekeda Muqdisho ayaa saaka ku banaan baxayay afaafka hore ee Dekeda, iyagoo ku qeylinaya halku dhigyo ka dhan ah Shirkada Albeyrak ee laga leeyahay dalka Turkiga.
Shirkaddan ayaa labo sano ka hor lagu wareejiyay maamulka Dekeda Muqdisho, iyadoo boqolaal xoogsato ka xamaalan jirtay Dekeda ka eriday.
Banaan baxayaasha ayaa wata sawirka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyagoo ka dalbanaya inuu wax u qabto, isla markaana shirkada Albeyrak laga saaro dalka.
Dowladda Federaalka ayaa labo sano ka hor ku wareejisay Dekeda Muqdisho shirkada Albeyrak, iyadoo shirkadan ku soo kordhisay Dekeda adeegyo kala duwan oo lagu horumariyay Dekeda.
Dhamaan shaqaalihii xamaaliga ahaa ee Bagaashaka Gaadiidka ku rari jiray ayaa shaqooyinkii laga fanishay waxaana lagu bedelay wiishasha maraakiibtana lagu amray in ay bagaashaka kunteenero ku soo raraan si wiiishku hal mar u qaado isla markaana howshii Boqolka qof 5 dadiiqo ku dhameyo
Garoonka diyaaradaha iyo Dekeda Muqdisho ayaa ah labo il ee ay dowladda dhaqaalaha ka hesho, waxaana maamulkooda gacanta ku haya shirkado laga leeyahay dalka Turkiga.
https://youtu.be/paZuFMTwuLc
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0