Home Afsomali Koox Hubeysan Oo Gudaha U Gashay Magaalo Dhacda Galbeedka Itoobiya

Koox Hubeysan Oo Gudaha U Gashay Magaalo Dhacda Galbeedka Itoobiya

Koox hubeysan ayaa gudaha u gashay qeybo ka mid ah magaalo weyn oo dhacda galbeedka Itoobiya, sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka.

Dad ku sugan magaalada Gambella ayaa sheegay in xafiisyadii iyo goobihii ganacsiga ay xireen kadib dagaalka sii xoogeystay.

Dagaal ayaa sidoo kale ka socdaa agagaarka Madaxtooyada, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Madaxweynaha gobolka, Umod Ujulu, ayaa BBC-da u sheegay in uusan wax war ah ka heyn arrintani.

Dagaalo ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa inay ka socdaan magaalooyin ka tirsan gobolka dariska la ah Oromia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.