Home Afsomali Xamse oo ku baaqay in la caawiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Xamse oo ku baaqay in la caawiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi  Barre ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay munaasabadd Ciidul Adxa oo maanta ku beegan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamzee Cabdi  Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay gacan isa siiyaan oo ay u kaalmeeyaan dadkooda tabaaleysan.

“Waxaan munaasabadda Ciidul-adxaa awgeed u hambalyeeynayaa guud ahaan Ummadda Islaamka ah gaar ahaanna Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida kaga suganyihiin. Waxaana Eebbe ka baryayaa in uu dhammaanteen innaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee aan soo gudannay, Rabbina acmaasha xajka haka aqbalo xujayda  gudanaaya waajibaadka xajka” ayuu yiri Raiisul Wasaare Xamse.

Waxaa uu intaasi kusii daray  “Waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa geesiyaasha ciidammada qalabka sida ee had iyo jeer heeganka ugu jira difaaca dalkeenna iyo la dagaalanka argagixisada dadka iyo dalka dhibaatada ku haya.”

Waxaan ugu baaqaya ganacsatada, Qurba-joogta iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in ay caawiyaan danyarta una gurmadaan dadka ay abaaruhu saameeyeen oo ku sugan xaalad nololeed oo aad u adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.