Home Afsomali Ethiopia oo dib u bilowday la Macaamilka Madaxda dowlad goboleedyada iyo Deni...

Ethiopia oo dib u bilowday la Macaamilka Madaxda dowlad goboleedyada iyo Deni oo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Itoobiya, gaar ahaana magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay madaxda dawladda Itoobiya qaarkood.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa allbanaadir Online u xaqiijiyey in Madaxweyne Deni uu xalay saqdii dhexe la kulmay Raisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Lama shaacin waxyaabaha looga hadlay kulankan balse warar soo baxaya waxay sheegayaan in lagu faaqiday Iskaashiga labada dhinac gaar ahaan Ammaanka iyo ganacsiga, waana markii koowaad ee ay is arkaan tan iyo imaanshihii Abiy ee xukunka 2018-kii.

Deni ayaa marar badan isku dayay inay is arkaan RW Abiy Ahmed haddana uma suuragalin

Madaxweyne Deni ayaa Sidoo kale maanta la kulmay wasiiradda Wasaaraddaha Ganacsiga, Caafimaadka, Gaashaandhiga, Taliyayaasha ciidamada Itoobiya, gaar ahaana Nabadsugida & Difaaca oo ay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.