https://youtu.be/V7ug8frhKa0
https://youtu.be/p5Dr4q0FI-4
Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay saqdii dhexe ee xalay ku qaadeen Saldhig Ciidamo ka tirsan Millatariga Soomaaliya ay kuleeyihiin deegaanka Janaale oo hoostaga degmada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.Sida wararku sheegayaan, waxaa goobta ka dhacay dagaal la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo deegaanka Janaale ay Saraakiil katirsan Ciidanka Ururka 83-aad, guutada 14-ka October ee Xoogga dalka ku soo bandhigeen meydka mid kamid ah xubnihii Shabaabka ahaa ee duulaanka soo qaaday.
Si kastaba, xaaladda deegaanka Janaale ayaa haatan ah mid dagan, waxaana socda howlgalo culus oo magaalada ay ka wadaan ciidamadda xoogga dalka, iyadoo shacabka ay hadal hayaan dagaalkii cuslaa ee saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Janaale, xili daryanka hubka la isu adeegsanayay laga maqlayay magaalada Marko.