Home Afsomali Guulaha uu horseeday hubka casriga ah ee Reer Galbeedku ay ku taageeraan...

Guulaha uu horseeday hubka casriga ah ee Reer Galbeedku ay ku taageeraan Ukraine

Ciidamada ku sugan furinta dagaalka ee bariga Ukraine ayaa sheegay in hub casri ah oo dalalka Galbeedka lagu sameeyay ay xagal daaciyeen duqeymihii ba’naa ee Ruushka. Balse tani ma waqti kooban baa, mise waxay calaamad u tahay isbeddel ku yimid dagaalka?

Qiiq ayaa is qabsaday cirka buluugga ee nadiifka ah ee ku yaalla meel waqooyi ka xigta Bakhmut, oo ah magaalo beereed ku dhow inay saxare noqoto, taas oo muddo toddobaadyo ah ay ku socdeen duqeymaha Ruushka.

“Tani nolol iima aha. Meelna ammaan ma aha. Waxaan runtii jeclaan lahaa inaan iska dhinto,” ayay tiri Anna Ivanova, oo 86 jir ah, iyadoo hoos u foorarta oo ul ku tukubeysa, isla markaana dooneysa inay cawska ka xaaqdo beerteeda, iyadoo labo diyaaradood oo Ukraine ay leedahay ay jawi hoose ku heehaabayaan hawada.

Qof walba oo gaari ku kaxeynaya meel u dhow furinta dagaalka ee gobolka bariga Ukraine ku yaalla ee Donbas  – laga soo billaabo magaalada digada laga dhigay ee Slovyansk ee waqooyiga, ilaa xaafadaha beeraha ee cidna aysan deggeneyn ee ku yaalla meel u dhow Donetsk oo koofurta ah- waxay u muuqdaan sida in duqeymaha Ruushka ee aan loo meel dayin aysan weligood joogsan doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.