Suuqa Weyn ee Bakaaraha gaar ahaan halka loo yaqaan Khaliifa ayaa goordhaw lagu dilay nin dhalinyaro ah oo kamid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha.
Mid kamid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa noo sheegay in Sadex nin hubeesan oo watay Mooto bajaaj ay dileen ganacsadaha, kadib markii uu dhulka ku tuuray moobeel ay doonayeen in ay ka dhacaan.
” Sadex nin oo watay Mooto bajaaj ayaa istaajiyay ganacsadaha waxa ayna ku amreen in moobeelka uu dhiibo, hasa ahaatee ninka la dilay dhulka ayuu ku tuuray moobeelkii uu watay sidaas ayeyna ku dileen” Ayuu yiri Ganacsade nala hadlay.
Magaalada Muqdisho waxaa kusoo kordhay mudooyinkan dambe Kooxo burcad hubeesan oo wata mooto bajaaj , burcadan ayaana xaafadaha magaalada ku dhax mara mootada iyagoona dadka u geesta dhac iyo dhibaatooyin kale.
https://youtu.be/paZuFMTwuLc
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0