Home Afsomali Mareykanka oo ku dhawaaqay xaalad caafimaad deg deg ah

Mareykanka oo ku dhawaaqay xaalad caafimaad deg deg ah

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay xaalad caafimaad-guud oo deg deg ah, kaddib markii ay bateen kiisaska la xiriira cudurka Furuqa-Daanyeerka ee Monkeypox.

Tallaabadan ayaa hey’adaha caafimaadka Dowladda Federaalka Mareykanka u fududeyn doonta in ay dowladda ka helaan kaalmo dhaqaale oo deg deg ah oo lagula dagaalo cudurkaan.

Kiisaska dadka laga helay xanuunka Monkeypox ayaa Arbacadii gaaray 6,600. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dadka ugu badan ee laga helay ay yihiin ragga gogosha wadaaga.

Dowladda Mareykanka ayaa lagu cambaareeyay qaabka ay u maareyneyso xanuunkan sii faafaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.