Home Afsomali Madaxweynaha ahlu suna Sheikh Shaakir ayaa muqdisho u tagay ka qeybgalka caleemo...

Madaxweynaha ahlu suna Sheikh Shaakir ayaa muqdisho u tagay ka qeybgalka caleemo saarka faramaajo (DAAWO SAWIRADA)

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray madawaynaha maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe Sunna Sheekh Maxa’ed Shaakir oo casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo.

Madaxweyne Shaakir oo saxaafada kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in imaatinkiisa Muqdishu uu ka dambeeyay casuumaada uu ka helay Madaxweyne Farmaajo, uuna maamulkoodu ka qayb gelidoono Caleemasaarka madaxweyne farmaajo.ĺ

Waa markii ugu horeysay oo Madaxwayne  Shaakir ka qeybgalo Munaasabad ay qabaneyso Dowlada F. Somalia, waxaana ku wehliya madaxweynaha Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa iyo Saraakiil ciidan

Madaxweyne Shaakir ayaa waxa kale oo uu sheegay in Ahlu Sunna ciidankeeda ku biirin doonaan kuwa qaranka, islamarkaana ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al shabaab ee looga saarayo guud ahaan Soomaaliya.

https://youtu.be/paZuFMTwuLc

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.