Home Afsomali Qaraxyo khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Qaraxyo khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Kismaayo

 

Wararka naga soo gaaraya Galbeedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Maanta ay halkaasi ka dhaceen qaraxyo farabadan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa 9 qarax oo ahaa kuwa miinada dhulka lagu Aaso ayaa ka dhacay inta u dhaxeeysa degaannada Buula Xaaji iyo Kismaayo gaar ahaan Nawaaxiga degaanka Cabdalla Biroole.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxyada badi ay qabsadeen Gaadiid ku safrayay wadadaas, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday dad Shacab ah oo u badan xoolo dhaqato.

Degaannada ay qaraxyada ka dhaceen ayaa waxaa dhowr jeer qaraxyo iyo weeraro toos ah ay Al-Shabaab kula beegsadeen Ciidamo katirsan Daraawiishta Jubbaland xilli ay ku wajahnaayeen degaanka Cabdalla Biroole.

Saraakiil iyo Ciidamo katirsan laamaha Amniga Maamulka Jubbaland ayaa ku baxay goobaha ay qaraxyada ka dhaceen, iyada oo la filayo in saacadaha soo socda ay faah faahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay qaraxyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.