Xubno katirsan Al-Shabaab ayaa goob fagaaro ah oo ku taalla degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa ay ku toogteen ilaa lix Rag ah oo ay sheegeen inay la Shaqeeynayeen Sirdoonnada Dowladda Soomaaliya iyo dowadaha taageera.
Raggaan ayaa Al-Shabaab sheegeen in lagu soo qabtay howlgallo kala duwan oo ay ka sameeyeen degaannada ay Maamulaan, waxaana goobta toogashada ku sugnaa Boqolaal ruux oo u soo daawasho tagay , waxaaana ragga la toogtay ay kala yihiin.
1: Cabdirisaaq Ciise Axmed oo loo yaqaano ( Maqas) waxaana Al-Shabaab ku eedeeyeen inay uu la shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, isla markaana uu qeyb ka ahaa duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay degaano katirsan Gobolada Jubbooyinka.
2: Xasan Gaarane Muuse oo loo yaqaano ( Dr Ayuub), kaas oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay sirdoonada Mareykanka, kenya iyo Soomaaliya, isla markaana uu qeyb ka ahaa ilaa 20 duqeymood Ciidamada kenya ka geysteen Gobolada Jubbooyinka & middii lagu dilay Maamulihii Shirkadda Hormuud ee degmada Jilib.
3: Cabdullaahi Cali Ismaaciil oo Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay ciidamada Mareykanka uu tababaray ee Bangaraafta iyo kuwa Jubbaland uuna ka qeyb qaatay weeraro dhowr jeer lagu qaaday Xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
4: Shire Yuusuf Xersi, kaas oo lagu eedeeyay in uu muddo Saddex sano ah la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, isla markaana uu bixiyay xogta 10 kamid ah Saraakiisha Al-Shabaab oo la weeraray.
5: Axmed Muqtaar Aadan oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Ciidamada Maamulka Jubbaland isla markaana uu Saraakiisha Ciidamada Jubbaland u gudbiyay xogta weeraro ay kusoo qaadi rabeen Al-Shabaab.
6: Ismaaciil Cabduweli Cismaan oo lagu eedeeyay in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka uuna sigaar ah ula Shaqeeynayay Xasan Gaarane Muuse oo loo yaqaano ( Dr Ayuub), isla markaana uu bixiyay xogta saraakiil katirsan Al-Shabaab oo lau dilay duqeyn diyaaradeed.
Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale fagaarayaal ku yaalla degaannada ay maamulaan ku toogtay rag iyo dumar ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Sirdoonnada Mareykanka, Kenya iyo Soomaaliya.