Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sheegay in Al-Shabaab ay guryihii ay deganaayeen iyo Ceelkii Biyaha ay ka cabayeen ay ka gubeen dad Shacab ah oo markii hore heysatay dhibaato ka dhalatay abaarta kuwaas oo kunool gobolka Hiiraan.
Yuusuf dabageed oo Maanta tegay degmada Buulo-Burde ee goolka Hiiraan ayaa sheegay in dhibaatadii ay Al-Shabaab u geysteen dadka Shacabka ah ay ka dhasheen in Shacabkii ay hubka qaataan, isla markaana ay kula dagaalamaan degaano katirsan gobolka Hiiraan.
Wuxuu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed id kasta oo oo wax heysata inay u soo gurmadaan dadka Shacabka ee dhibaatooyinka kala duwan ku heysata degaannada gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayeen maleeshiyaadka macawiisleeyda waxaa ay howlgallo kala uwan ka wadaan degaano katirsan gobolka Hiiraan, halkaas oo dhawaan Al-Shabaab ay ku gubeen guryo ay daganaayeen dad Shacab ah.