Home Afsomali Cali Guudlaawe Oo Xarigga Ka Jaray Suuq Wayn Oo Laga Hirgaliyay Degmada...

Cali Guudlaawe Oo Xarigga Ka Jaray Suuq Wayn Oo Laga Hirgaliyay Degmada Matabaan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta xariga ka jaray suuq wayn oo ganacsiga qudaarta ah oo laga hirgaliyay degmada Matabaan Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay hay’adda dhistay suuqaan oo ah mid wax badan kusoo kordhin doona ganacsiga deegaanka, waxa uuna faray maamulka degmada in hada wixii ka dambeeyo ganacsatada qudaarta loo fasaxo ku ganacsiga suuqaan.

Ugu danbayn Madaxweynaha ayaa shacabka reer Hirshabeelle ugu baaqay in laga wada qayb qaato horumarka deegaanada Hirshabeelle, gaar ahaan kor u qaadista ganacsiga  ee dowladdu xooga ku saarayso inuu ahaado mid horumarsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.