Home Afsomali RW Xamse oo qaar kamid ah Cullimada kala hadlay Arrimaha Amniga &...

RW Xamse oo qaar kamid ah Cullimada kala hadlay Arrimaha Amniga & Abaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta  Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo hogaaminayay Matalayaal ka socday Culimada Soomaaliyeed.

Inta uu socday kulanka waxaa diirada lagu saaray kaalinta Culimada Soomaaliyeed ku leeyiihiin Gurmadka abaaraha, Amniga iyo Dowlad wanaaga.

Sidoo kale kulanka waxaa goobjoog ahaa Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Awqaafta Xil. Saalax Shariif Sayid Cali iyo Agaasimaha Waaxda Diinta iyo Ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee Wasaaradda Mudane Sh. Cali Maxamuud Macalin (Sh. Cali Dheere).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Cullimada inay doorkooda dhanka wacyigelinta ka qaataan si bulshada Soomaaliyeed u helaan Amni sidoo kalena loogu gurmado dadka ay saameeysay abaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.