Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa kormeeray ciidamada militeriga ee la dagaallamaya kooxaha argagixisada.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku ammaanay ciidamada guulaha ay ka gaareen deegaannada laga xoreeyay kooxda nabad-diidka ee gobolka Hiiraan — isaga oo ku tilmaamay inay yihiin geesiyeyaal difaacaya Diinta, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.





+4
47