Home Afsomali Dhageyso Malxiisad Ku Sugan Hargeysa Oo Nin Isku Bedashay

Dhageyso Malxiisad Ku Sugan Hargeysa Oo Nin Isku Bedashay

Haweeney oo Ninkii ay Jecleyd Malxiis ka dhigatay Arooskeedii Magaalada Hargeysa

Dhacdadaad layaabka leh ee lagu arkay magaalada Hargeysa oo fajaca gelisay Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ka dhacaday xaafada katirsan Degmada Axmed Dhagax.

Xaafadda Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa waxa ka taagan arrin

wax cusub ku noqotoy dadka xaafadda ka dib markii qoys dhawaaan ku aqalgalay xaafadda ay malxiisaddii la socotay aroosadda maalmo ka dib nin isku bedeshay .

Arrintan oo dacwadeeda maxakamadda loo gudbiyey ayaa malxiisadda inay nin tahay la ogaado ka dib markii ninka arooska ah oo shaqaale ka ah mid ka mid ah warshadaha yar-yar ee sharaabka sameeya uu maalin shaqada ka joogay xanuun awgii, waxaanu xilli uu qolkiisa jiifka uu ku jiray uu maqlay qof cod nin leh oo xaaskiisa qolka ku xiga ka uu ku jiro kula sheekaysanaaya, wuu soo baxay si uu u hubiyo qofka , waxaanu arkay xaaskiisa oo ay la fadhido gabadhii uu ku yaqaanay malsxiisadda oo markasta iyadu ku labisata intii uu arkaayey Xijaab iyo Niqaab/indho-shareer, waxa uu weydiiyey ninka uu maqlaayey cidda uu la hadlaayey xaaskiisii ayaa ugu jawaabtay cidna noomay iman ee waa aniga iyo saaxiibtay oo kaliya.

Wuu shakiyey waxaanu tagay saldhigga Booliska xaafada oo ka agdhawaa , askartii ayaa soo raacday waxayna si ay u hubiyaan ku amreen malxiisaddii inay indho-shareerka bixiso , waxayna arkeen in uu nin yahay , sidoo kalena waxay ka dhigeen xijaabkii , waxaanu noqday nin caadi ah.

Dad arrinta ka warhayey ayaa ii sheegay inay aroosaddu ku jawaabtay in markii horeba ninka iska dhigay malxiisaddu uu ahaa ninkeedii . arrintaasi halka ay ku dambayso aad ayaa loogu dhagtaagayaa.

Hoos ka dhageyso dhacdada 

XIGASHO: CUMAR SERBIA

https://youtu.be/paZuFMTwuLc

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.