Home Afsomali Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shir looga hadlayo Shidaalka Afrika

Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shir looga hadlayo Shidaalka Afrika

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Wasiirka Wasaaradda  Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo xubno la socda ay u ambabaxaan Magaalada Johannesburg ee dalka  Koonfur Afrika.

Wasiirka iyo Wafdiga la socda ayaa waxaa ay ka qeyb geli doonaan Shirka Todobaadka Shidaalka Africa oo Maalinta Berito oo Isniin ah  ka furmi doona Magaalo-xeebeedka Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Shirkan, ayaa waxa isugu imaan doona Wadamada Africa ee Kheyraadka leh iyo Shirkadaha iyo Dalalka kale ee daneeya Arrimaha la xiriira Shidaalka, iyaga oo isweeydaarsan doona tallooyi iyo qaabka labada dhinac uga wada faa’iideysan karaan kheyraadka iyo Shidaalka.

Wasiirka Wasaaradda  Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa inta uu shirka socdo waxaa la filayaa in uu kulamo doceedyo la yeesho qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa Shirka iyo mas’uuliyiinta Shirkadaha daneeya Arrimaha la xiriira Shidaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa waday dhowrkii sano ee la soo dhaafay dadaal ku aadan sidii dalka looga soo saari lahaa Shidaal, waxaana jiray shirkado Caalami ah ah oo heshiisyo lala galay, si ay dalka sahmin shidaal uga sameeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.