JAMHURIYADDA FEDERAALKA
SOOMAALIYA
WASAARADDA WARFAAFINTA
DHAQANKA & DALXIISKA
Somali Federal Republic
Ministry of Information, Culture
MOGADISHU, 12 October 2022: Wasaaradda Warfaafinta,
Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay mar kale caddeyneysaa inay ka go’an tahay ilaalinta iyo dhowrista xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida saxaafadda. Sidoo kale waxaa wasaaradda ka go’an ilaalinta xuquuqda suxufiyiinta, in loo fududeeyo
gudashada waajibaadkooda iyo inay si xor ah fikirkooda u dhiibtaan iyagoo raacaya xeerarka saxaafadda iyo sharciga dalka u yaalla.
Wasaaradda waxay ka war heshay xarigga Cabdalla Muumin oo ka tirsan bahda ururada saxaafadda ee magaalada
Muqdisho ka hawlgala.
Xiriir ay la sameysay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa wasaaradda lagu wargeliyay in Cabdalla Muumin uu gacanta ugu jiro Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isla markaana loo
haysto eedeymo dhanka amniga la xiriira.
Wasaaraddu waxay sidaa darteed caddeyneysaa in Cabdalla
Muumin aan loo haysan eedo la xiriira shaqadiisa saxaafadda.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa ka dalbadey Xafiiska Xeer Ilaalinta in degdeg ay caddeymo uga bixiso sababta
muwaadinkaasi loo hayo, lana marsiiyo habraacyada sharciga ee dalka u degsan.