Khalif Farah Shuuriye waa 75-jir la nool cudurka (HIV-AIDS) kaas oo ay qaadsiisay xaaskiisa Oo maskaxda ka xanuunsaneyd oo iyaduna ka qaadday sida uu sheegay rag qoryo ku Hubeysnaa oo kufsi kula kacay sanadkii 2012kii.
Xanuunka oo isna laga helay inta aysan u geeriyoon xaaskiisa iyo geerida xaaskiisa kadibba Hadda waxa uu wajahayaa xaalad adag oo nolosha iyo caafimaadkaba ah.
‘’Xanuunkan waxaan ka qadey xaaskeyga sida la xaqiijiyayna isaga ayeey u geeriyootay, Sida Aad aragtaan ma heysto guri, majirto cid i daryeesha, meeshii hore ee aan ku noolaana Waan ku nolaan waayay takoor dartiis mana heysto waalid, walaal, carruur iyo waalid aan I caawiya.”
Nolosha Khaliif Shuuriye ayaa hadda ku tiirsan lacago Shilin somali ah oo aan joogto aheyn oo uu ka helo bulshada soomaaliyeed marka uu soo dhex galo isaga oo dawarsanaya Waana midda uu markaas ku dabbaro baahidiisa.
Xaafaddeyda biyaha la isticmaalo waa la gataa mana heysto wax aan ku gato habeennada Qaar, haddi aan waayo wax aan maalintaas ku gato tobanka liitir ee biyaha ah waan iska seexda” ayuu ku daray.
“Marka ay noloshu igu adkaato ee aan gaajo darted joogi waayo Ayaan soo dhex galaa Bulshada oo aan gacanta hoorsadaa, kilo bariis haddi aan helo markaas dhowr habeen Ayaan karsadaa, labo kun oo shilin soomaali ah haddi aan helana subixii Ayaan shaaha ku Cabaa, marka runtii wey adag-tahay nolosheyda” ayuu yiri.