Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Maanta warqad kasoo baxday xafiiskiisa waxaa gabi ahaanba ku hakiyaya lacagahii cashuura ee laga qaadi jiray guryaha kuyaalla Magaalada.
Warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo uu Warbaahinta u Akhriyay Maamulka Gobolka Banaadir Saalxa Xasan Cumar ayaa lagu sheegay in guddoomiye Madaale markii uu arkay sarciga canshuuraha & kan lagu dhisay Guryaha iyo daaraha waaweyn uu hakiyay qaadista lacagta Canshuurta ah ee laga qaadi jiray Guryaha.
Sababta ayuu ku sheegay Afhayeenka in la nidaaminayo habka canshuur qaadista Guryaha, isla markaana laga bilaabo Maanta Guryaha laga qaadi doonin Cansuur ilaa laga gaarayo 31 Bisha December ee snadkan 2022.
Horay qaar kamid ah Shacabka kunool Gobolkan banaadir waxaa ay vabasho dhowr jeer uga keeneen lacagaha Canshuurta ah oo laga qaadayay Guryaha ay degan yihiin, iyaga oo sheegay in hanaan is khilaafsan lagu qaadayo mararka qaarna dadka Canshuurta lagu kordhinayo.