Home Afsomali Inta Badan Warbaahinta madax banana oo beenisay in ay wax kulan ah...

Inta Badan Warbaahinta madax banana oo beenisay in ay wax kulan ah la yeelan Madaxweyne Faramaajo

Ka dib markii ay isweydiiyeen qeybaha kala duwan ee saxaafada ka Howlgasha magaalada Muqdisho ayaa waxaa u soo baxday in laga been abuurtay oo aysan ka qeybgalin kulan madaxweyne Farmaajo uu ku qabtay xafiiskiisa waxaana y sheegeen in ay idacadaha qaar ka ka maqleen balse aysan ogeyn xiliga u dhacay kulankaas .

Waxayna intaa ku dareen in qaar ka mid ah tifatirayaasha idacadaha dowlada sida idacada ku hadasha afka Gobolka iyo tan radio muqdisho ay ka qeybgaleen kulamadaas waana howlahooda in ay meelahaa ka agdhawaadaan ayey iraahdeen saxafiyiinta oo  aan kula kulmay Goobo shaqo aan u wada tagnay  .

Waxa kale oo ay hadal hayeen in kulamaas Madaxweynaha ay ka qeybgaleen ururo sheegtay in ay Matalaan saxaafada si  xafiiska madaxweyna looga aqoonsado si ay ugu qaraabtan magaca Warbaahita magaalada Muqdisho oo wejiyo badan leh

Tifatirayasha Warbaahita Dowlada iyo idacaada ku hadasha afka maamulka Gobolka Banaadir ayaa madaxweynaha u balan qaaday in aan idacadooda laga sii deyn doonin warar lidi ku ah dowlada waxayna xuseen in ay taageeri doonaan

Dhinacyadii koobnaa ee shirarka gaar ah la yeeshay Madaxweyne Farmaajo ayaa loogu baaqay in ay saxaafada mideeyaan shirarkana ay uga wada qeybgalaan iyaga oo mideysan sidoo kale Maadaxweynaha ayaa laga codsaday in uusan kala qeybin warbaahinta una casuumo si isku mid ah,waxayna Madaxweynaha u Rajeeyeen guul iyo Horumar in uu dalka Gaarsiiyo

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.