Go.aan isbaarooyinka u daadsan Cali Guudlaawe lagu diidan yahay oo ka soo baxay xafiiska Mw Xasan sheikh
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh ayaa sheegay in aan la aqbali doonin isbaarooyinka sharci darrada ah ee daadsan deegaanada Hirshabelle gaar ahaan Sh/dhaxe waxa uuna intaas ku daray in qofkii lagu helo isbaaro uu mutaysan doono ciqaab sharciga waafaqsan, isagoo xusay in isbaarooyinkaan la baabi’in doono oo ay salka la gali doonaan dad waaweyn oo saraakiil ama qabaailo ah.
Go’aan adag ee Madaxweynaha ayaa ka soo baxay Shir Maanta ka dhacay cadale oo ay ka qeyb-galeen Xildhibaanada heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, duubabka iyo madax dhaqmeedyada dhaqanka waxayna saxiixeen in aan lasoo dabakici doonin qofkii lagu qabto iyadoo ay isbaaro u taalo ama dadka shacabka ee wadada ku socdaala dhibaateyna.
Arintaan Madaxweynuhu Maanta ku dhawaaqay waxay dhibaata weyn ku Noqon doontaa dad badan oo Saraakiil Dowladeed ay qeyb ka yihiin hadii la mamnuuco isbaarooyinka yaala Hirshabelle, waxaana maanta shirkaan Goobjoog ka ahaa Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida
Muuqaalka oo dhameystiran hoos ka daawo
https://youtu.be/f2MK1eQG7F4