Home Afsomali Taliya qeybta barista danbiya ee CID Cabdifataax Cali hersi barre ayaa galka...

Taliya qeybta barista danbiya ee CID Cabdifataax Cali hersi barre ayaa galka dacwad lid ku ah ciidamada ATMS ku wareejiyey Xafiiska Xeer ilaalinta ee Maxkamda Ciidamada qalabka sida

https://youtu.be/eyYThpl95yM

ATMIS sector 1 oo ah ciidanka Uganda 🇺🇬 dalkeena ku sugan ayaa ah kuwa kaliya marka uu dambi ay iyaga geysteen uu dhaco waa kuwa baara islamarkaana ciidankooda ku ciqaaba, halka Kenya, Itoobiya, Burundi iyo Jabuuti aysan weli la imaan sida kuwa Uganda. Wiilkan ay jiireena waxaa igu maqaala in reerkiisa ay la xiriireen iyagoo ka xun falkaas dhacay.

Taliya qeybta barista danbiya ee CID Cabdifataax Cali hersi barre ayaa galka dacwad lid ku ah ciidamada ATMS ku wareejiyey Xafiiska Xeer ilaalinta ee Maxkamda Ciidamada qalabka sida

Waxaana xarunta CID da tagay qaar ka mid ah  ehelada iyo qaraabada Marxuumka uu dilay gaariga ciidamada ATMS

Howlgalka ATMIS oo war kasoo saaray wiil dhallinyaro ah oo Ciidankooda ku dileen Ceelasha Biyaha

Dhan kale War saxaafadeed kasoo baxay howlgalka ciidamada ATMIS ee ka howlgala Soomaaliya ayaa looga hadlay wiil dhallinyaro ah oo shalay gaadiidka ciidamada ATIMIS ku jireen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Wiilka dhallinyarada ah oo lagu magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed FaaraxFiidow  ayaa waxaa jiiray gaadiidka ciidamada ATMIS, waxaana wiilkan dhaawac culus oo kasoo gaaray shilkaasi markii dambe ku geeriyooday isbitaal lagu daweenayay.

Howlgalka ATMIS ayaa qoraal ay soo saareen ku faahfaahiyeen sidii uu ka dhacay shilka wiilkan ku dhintay, waxa ay sidoo kale ATMIS sheegeen in jidgooyo iyo dhagax tuur kala kulmeen shacab ka carrooday wiilkaasi gaariga jiiray.

Waxa ay sheegeen in baaritaano hadda ku socdaan shilkan sababay geerida wiilka dhallinyarada ah, waxa ayna ballanqaadeen in ay soo bandhigi doonaan natiijada kasoo baxda baaritaanadda hada socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.