Home Afsomali Wasiir Madaxaa i furan oo Ethiopia ku tashkiiliyey in ay ka qeybqaadato...

Wasiir Madaxaa i furan oo Ethiopia ku tashkiiliyey in ay ka qeybqaadato dagaalka lagula jiro AS

Wasiirka  Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Wafdigiisa oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ayaa kulan la qaatay Taliyaha ciidanka milatariga dalka Itoobiya.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha la dagaalanka Ururka Al-Shabaab iyo sida labada dal ay isaga kaasha karaan dagaalka waxa loogu yeero argagaxisada.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay sidii guud ahaan dalka looga saaari lahaa Al-Shabaab, isagoo xusay in guulo waa weyn laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha milatariga dalka Itoobiya.  Marshal Birhanu ayaa ku Amaanay madaxda wasaaradda difaaca qaranka Soomaaliya, sida ay uga go’antahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Dowladda Itoobiya ayaa inta badan Soomaaliya ka caawiya dhinaca Amniga, waxaana qaar kamid ah gobolada dalka kajoooga Ciidamo farabadan oo qaarkood ku howlgalla Magaca howgalka ATMIS, kuwaas oo qeyb ka noqda dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

https://youtu.be/SSaAI1KAeCk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.