Majibu Sebyara waa askari u dhashay dalka Uganda waxaana dib loogu soo celiyey Soomaaliya si loo saaro maxkamad waxaana xusid mudan inuu ragnimadiisa ku waayey Soomaaliya markii ay jirdil aan loo meel dayin u geysteen sarakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM.
Askarigaan la maxkamadeenayo ayaa laga dhawaajiyey inuu xubintiisa taranka waayey markii ay jirdileen saraakiisha Uganda ee ka tirsan ciidamada AMISOM kadib markii ay ku jir dileyn xabsi ku yaal duleedka Garoonka Diyaaradaha ee Entabbe oo uu halkaas ku xirnaa muddo.
Askarigaan ka tiran ciidamada ugaandha ee nabadilaalinta u joogo somalliya ee Amisom ayaa lagu eedeeyey in uu Hubka ka iibiyay Al shabaab Cinqaab ku waayay Raganimada.
Sababta keentay inuu askarigaan ciqabtaan la kulmo ayaa lagu sheegay inay tahay markii lagu helay inuu Al-Shabaab ka iibiyey hub aad u cul culus sanadkii 2014 markaas oo uu ahaa askari ka tirsan ciidamadii AMISOM ee ku sugnaa Soomaaliya gaar ahaan Jannaale oo ka tirsan Shabeelada Hoose.
Saraakiisha AMISOM ayaa waayey hub culus oo ay kamid ahaayeen lidka Diyaaradaha iyo rasaas aad u badan waxayna baaritaan dheer kadib ogaadeen inuu askarigaan ka iibsaday Al-Shabaab sida uu isagaba markii dambe qirtay.
Askarigaan ayaa ka dhawaajiyey inuu hubkaas dhaafsaday lacag kadib markii uu bilooyin waayey mushaarkii uu ka heli jiray howlgalka AMISOM.
Askarigaan ayaa suuxay sidii ay saraakiishaan u garaacayeen waxayna midaas keentay in si deg deg ah loogula cararo isbitaal waxayna dhaqaatiirta xaqiijiyeen inuu ninkaan waayey xubintiisa taranka oo ay ku sheegeyn inay la kulantay dhibaato xoog leh sidaasna ay ku burburtay.
Askarigaan ayaa la xaqiijiyey in Muqdisho dib loogu soo celiyey talaadadii lasoo dhaafay si loogu soo taago maxkamad falkii uu geystay inkastoo qareenada askarigaan ay sheegeen in loo geystay dhibaato ka badan middii u geystay taasna ay xad gudub weyn ku tahay xuquuqul insaanka.
Lama saadaalin karo natiijada kasoo bixi doonto maxkamadeynta askarigaan isagaba ay heysato dhibaato keeni karto inuusan dhallin wax awlaad ah markii uu si lama filaan ah u waayey xubintiisa taranka.
https://youtu.be/Z7mcG4NESDM
https://youtu.be/m5Lma7tiNc8
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0