Home Afsomali Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Baydhabo & khasaaraa ka dhashay

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Baydhabo & khasaaraa ka dhashay

Dowlada Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal culus oo saaka waaberigii ka qarxay magaalada Baydhabo kaasoo u dhexeeya ciidamo daacad u ah madaxweynaha Maamulkaas iyo kuwa diidan muddo kordhinta uu sameystay.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ka xun tahay shaqaaqooyinka gacan ka hadalka ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada warfaafinta Soomaaliya

Waxaa sidoo kale dowladu baaqday dhinacyada dagaalamaya iney xabada joojiyaan, khilaafka jirana ku xaliyaaan miiska wadahadalka.

“Dowladda Federaalka waxay ku boorineysaa dhammaan qeybaha siyaasadda inay miiska wadahadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, isla markaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka DF.

Rasaas Goos goos ah ayaa waxaa weli laga maqlayaa Gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka baay, taas oo u dhaxeeysa Ciidamada Ammaanka iyo maleesiyaad taageersan Wasiirkii hore ee Maaliyadda Koonfur Galbeed Maxamed Aadan fargeeti oo kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Dagaalka ayaa waxaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay warar kala duwan, waxaana Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya  Maxamed Aadan fargeeti uu sheegay in Gurigiisa Magaalada Baydhabo la weeraray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.