Cabdullaahi Xaaji Dheere oo ka mid ah siyaasiyinta ka soo jeeda gobolada Banaadir iyo shabeellaha Dhexe ayaa ka hadlay Golaha degaanka ee loo dhisayo Magaalada Jowhar oo ah Caasimada Dawlad Goboleedka Hirshabeelle .
Siyaaasi Cabdullaahi Dheere ayaa ugu baaqay Wasaaradda Arimaha gudaha & dawladaha hoose ee Hirshabeelle in ay dardar geliso Dhismaha Golaha degaanka degmada Jowhar lana qanciyo haddii ay jiraan Beelo tabasho ka qaba Nidaamka awood qaybsiga Goaha degaanka degmadaas.
Hadalkaan ka soo yeeray Siyaasi cabdullaahi Dheere ayaa ku soo aadaya Xilli Wasaaradda arimaha gudaha Hirshabeelle ay Odayaasha Dhaqanka Magaalada Jowhar ku wareejisay shaxda Dhismaha Golaha degaanka Degmada jowhar kana codsatay in soo dedejiyaan Dhismaha golaha degaanka degmada jowhar.