Home Afsomali Soomaaliya & Masar oo hesiis cusub kala saxiixdaySoomaaliya & Masar oo hesiis...

Soomaaliya & Masar oo hesiis cusub kala saxiixdaySoomaaliya & Masar oo hesiis cusub kala saxiixday

Wasiirada Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada ee dalalka Somalia iyo Masar ayaa waxay ku kala saxiixdeen Caasimadda dalkaasi ee Qaahira Heshiis Is-Faham (A memorandum of understanding (MoU).

Ra’isul-wasaaraha Masar, Mustafa Al-Madbuuli ayaa goobjoog ka ahaa Saxiixa Heshiiskaasi Isfahamka ee Arrimaha Iskaashiga Culuunta Teknoolajiyada, Isgaarsiinta iyo Boostada ee labada Waddan.

Heshiiskaasi waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada ee XFS, Jaamac Xasan Khaliif iyo dhigiisa Masar, Dr. Cumaru Dalacat

Heshiiskaasi ayaa ku soo beegmay, iyadoo Wasiirka Teknoolajiyada iyo Isgaarsiinta ee XFS, Jaamac Xasan Khaliif uu ka qeyb galay Shirka Wasiirada Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada ee dalalka Carbeed oo lagu qabtay magaalladda Qaahira muddadii u dhexeysay bishan January 22-dii ilaa 23-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.