Home Afsomali Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Hanti-dhowraha Qaranka & laba Hindise sharciyeed

Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Hanti-dhowraha Qaranka & laba Hindise sharciyeed

lanka Golaha Wasiirada ee Maanta oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyay magacaabista Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, Laba Hindise Sharciyeed iyo Siyaasad.

Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta Abuukaate Axmed Ciise Guutaale inuu noqdo Hanti-Dhawrka Guud ee Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda ayaana golaha u soo jeedisay.

Shirka ayaa looga dooday shuruuc la horkeenay oo dalka ahmiyad weyn u leh, wuxuuna goluhu si wadajir ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah.

Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada, Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta oo ay soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyadda iyo sidoo kale Siyaasadda Maareynta Deegaanka oo Golaha ay horkeentay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay shuruucda uu goluhu meelmariyey ay dhammaantood yihiin kuwa leh mudnaan gaar ah oo hagaya dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, gaar ahaan deyn cafinta.

Hindise Sharciyeedyadan ayaa loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka, si ay uga gutaan waajibkooda dastuuriga ah.

Dhanka kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga  ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo Goluhu bogaadiyey dadaallada socda ee dalka lagu xoreynayo laguna xasillinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.