Home Afsomali Ciidamada dowladda oo la sheegay inay qabteen Madaxii qaraxyada ee Aaga Camaara

Ciidamada dowladda oo la sheegay inay qabteen Madaxii qaraxyada ee Aaga Camaara

Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qayta 21-aad ee milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay in meel u dhow deegaanka Camaara ku qabteen madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada iyo caafimaadka agaasi, kaasi oo lagu magacaabo Salmaan Daadir.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in Sarkaalkaan la qabtay, isaga oo gaari ku sida agabka qaraxyada lagu sameeyo, kuna howlan kala gudbintooda.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay ku raadjoogaan Saraakiil kale oo loo sheegay inay ku sugan yihiin aaga degaanka Camaara ee Gobolka Mudug, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadeen Gobolka Mudug, iyaga oo la wareegay degaano katirsan Gobolkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.