Home Afsomali Dowlada oo ka maarmi weyday taliye shub oo waayi doono Xubin nimadiisii...

Dowlada oo ka maarmi weyday taliye shub oo waayi doono Xubin nimadiisii Xildhibaan

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta, heshiisyo iyo sidoo kale siyaasado qaran oo muhiim u ah dalka.

Taliyaha Asluubta ayaa waxaa markale dib loogu magacaabay General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, kadib  talo soo jeedin ka timid Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Generaal. Mahad Cabdiraxmaan ayaa haatan ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana lagu soo doortay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Sidoo kale taliye Mahad ayaa aqoon iyo khibrad u leh arrimaha la xiriira waajibaadka qeybaha kala duwan ee  Ciidamada , kaas oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliyaha Dugsiga Labaatan -Jirow iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Gobolka Baay.

Taliyaha cusub ayaa la faray inuu si degdeg ah xilka ula wareego, isla-markaana uu guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa caan ku ahaan ka hadalka meelaha fagaaraha ah, waana sarkaal aan la gamban fikradihiisa, kuna firfircoon shaqada ciidanka.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Taliye Mahad oo loo yaqaano Shub uu waayey xubnimadiisii Baarlamaanka, isaga oo dib loo soo buuxin doono kursiga uu ku fadhiyay ee Golaha.

Dhanka kale Golaha ayaa kulankoodii ku meel-mariyey Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, Siyaasadda Habraaca Diyaarinta Hindise-sharciyeedyada iyo Gelidda Heshiisyada iyo Siyaasadda Qaran ee Qurba-Joogta Soomaaliyeed.

Ugu dmabeyn, Golaha ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad oo la xiriira arrimaha maalgashiga iyo horumarinta dhallinyarada oo ay xukuumaddu gashay, kuwaas oo kala ah;  Heshiis Is-Af-garad iyo iskaashi ee dhinacyada Maalgashiga, Aqoonta & Horumainta Xirfadaha oo ay gaareen (Soomaaliya & Suudaan) iyo Heshiis Is-Af-garad ee Arrimaha Dhallinyarada oo ay galeen ( Soomaaliya & Qatar).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.