Home Afsomali Macallin Mahdi oo shaaca ka qaaday 4 arrin oo keentay amniga XAMAR

Macallin Mahdi oo shaaca ka qaaday 4 arrin oo keentay amniga XAMAR

Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir, G/ Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) oo ka qayb-galay kulan su’aallo lagu weydiinayay isaga iyo mas’uuliyiinta gobolka Banaadir ayaa ka hadlay amniga Muqdisho.

Macallin Mahdi ayaa shaaca ka qaaday in isbeddal weyn oo amni haatan laga dareemayo caasimada, kadib dadaallo ay sameeyeen wixii ka dambeeyay bishii Ramadaan.

Taliyaha ayaa xusay inay yaraadeen dilalkii iyo qaraxyadii ka dhici jiray caasimada, wuxuuna sheegay inay ku timid howlgallada ay wadaan iyo isbeddallada socda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in afar arrimood ay keentay amniga iyo xasiloonida haatan ka jirta magaalada Muqdisho, kuwaas oo kala ah: Shacabka Soomaaliyeed oo la shaqeeyay ciidamada amniga lana dagaalay Shabaab, dagaalka lagu beegsaday dhaqaalaha Shabaab, wada shaqeynta hay’adaha ammaanka iyo sidoo kale xakameynta hubka waa weyn.

“Shacabka Soomaaliyeed oo ku kacay oo dhibaateynaya ayaa naafo ku ah ebel waa iska jiifan jireen canshuur ayay ka qaadan jireen dhaqaale ayay ka heli jireen, runtii door muhiim ayay ka qaadatay xasiloonida magaalada” ayuu yiri taliye Macallin Mahdi.

Waxa kale oo uu ku daray “La dagaalanka dhaqaalaha door fiican ayay xukuumadda iyo dowladda qaadeen sida aad la socotaan inta qofka dhaqaale uu haysto waa inta uu sii jiri karo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.