Home Afsomali Madaxweyne Xasan oo sagootiyey ciidan ka qeyb qaadanaya dagaalka Al-Shabaab

Madaxweyne Xasan oo sagootiyey ciidan ka qeyb qaadanaya dagaalka Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ka saagootiyey Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho cutubyo ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka gaar ahaan Guutada Gantaal ee Ilaalo Qaran oo ka qeyb-galaya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa inay billowdo wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, dhowr bilood kadib markii uu istaagay wejiga koowaad ee dagaalka oo deegaano badan looga saaray kooxda.

Madaxweynaha ayaa ciidanka uu sagootiyey u sheegay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan “inay dhammeystiraan halganka gabagabada maraya ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada.”

Waxa uu sidoo kale faray in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u xaqiijiyaan kalsoonidda iyo hiilka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu” ay isku barbar waddo labo qorshe oo taarikhi ah, kuwaas oo ku saleysan in gacan lagu cirib taro argagixisada, gacanta kalena dib loogu dhiso Ciidamada Qaranka.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka oo la wadaagay sida ay uga go’an tahay in ay dadka Soomaliyeed ka dulqaadaan cadawgan curyaamiyey nolashooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.