Home Afsomali Abaabul Dagaal oo ka bilowday Galgaduud iyo Ciidanka Xoogga oo Weerar qaadaya

Abaabul Dagaal oo ka bilowday Galgaduud iyo Ciidanka Xoogga oo Weerar qaadaya

A soldier of the Somali National Army (SNA) at Jazeera Training Camp in Mogadishu. He was part of a group of SNA soldiers who completed training in military intelligence and the Non-Commissioned Officers’ course on 25 March 2015. AMISOM Photo / Raymond Baguma

Abaabul dagaal ayaa ka bilowday qeybo kmaid ah gobolka Galgaduud , waxaana halkaasi la geeyay ciidamo hor leh oo katirsan milatariga Soomaaliya oo qeyb ka noqonaya howlgalo cusub ay ciidanka bilaabayaan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow ayaa gaaray deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Galgaduud, waxa uuna halkaasi taliyaha ka bilaabay abaabulka howlgalo cusub ay ciidanka qaadayaan.

Taliyaha oo la kulmay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada ku sugan degmooyinka Galcad iyo Ceeldheer ayaa u sheegay in ay diyaar u noqdaan howlgalo cusub oo la doonayo in Al Shabaab looga saarayo deegaannada iyo degmooyinka ay ka joogaan Galgaduud.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheneysa in la qaado howlgalo cusub oo lagu wiiqayo awoodda Al Shabaab, waxaana howlgalkan cusub la doonayaa in Al Shabaab looga saaro degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Howlgalo ay horey ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ugu doonayeen in ay kula wareegaan Ceelbuur iyo Galhareeri ayaa fashilmay, lamana oga taliska cusub ee ciidanka xoogga sida ay ugu guuleesan karaan in Al Shabaab laga saaro guud ahaan Galgaduud.

https://www.facebook.com/Qolka-Musejisow-157399570949623

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.