Home Afsomali Muuqaalka Dukaanle Sabab Cajiib ah u gubay buugga deymaha ee macaamiishiisa

Muuqaalka Dukaanle Sabab Cajiib ah u gubay buugga deymaha ee macaamiishiisa

Nin dukaanle ah oo ka soo jeeda magaalada Mosul ee waqooyiga Ciraaq ayaa macaamiishiisa ka yaabiyay kaddib markii uu gubay buugga liiska magacyada dadkii uu deynta ku lahaa ka hor inta aan la gaarin bisha barakeysan ee Ramadaan. Sharci-yaqaanka iyo milkiilaha dukaanka Moayad Al-Mozan ayaa ku daabacay bartiisa Facebook-ga – laba sawir oo laga qaaday xilli uu gubaayay buugga deynta, waxa uuna xusay in aanu cidna ka dalbanayn lacagtii uu ku lahaa, sabab la xariirta munaasabadda bishada Ramadaan ee lagu jiro.

Waxa uu warsaxaafadeedkiisa ku yiri “Waxaanu ku jirnaa maalmo kala go’an oo aanu ku doonayno in aanu ugu dhawaano Allaha awooda leh, aniguna waxaan go’aansaday inaan dhaafo deymaha macaamiisheyda ee gacantayda ku jira  oo aan u cafiyo lacagaha  bishan barakaysan”ayuu ku nuuxnuuxsaday. Ma filaneyn in baraha bulshada uu si weyn ugu faafayo hadalladiisa iyo sawirkii muujinaayay buug gubista ee hadafkiisu ahaa cafinta deymaha.

Arrintan oo lama filaana aheyd ayaa dad badan ka faaloodeen iyaga oo ku cabbiray dareenkooda, waxayna u arkeen tilmaan bini’aadantinimo oo muujineysa milkiilaha dukaanka iyo dareenkiisa masuuliyadeed, maadaama Ciraaq ay ku jirto xaalad dhaqaale oo adag, iyagoo ugu baaqay ganacsatada iyo dukaanleyda kale inay ku daydaan.

Marka loo eego tirakoobka Wasaaradda Qorsheynta, Ciraaq waxaa si aad ah u kordhay heerka faqriga ee ka dhashay qalalaasaha dhaqaale iyo siyaasadeed, waxaana faqrigu gaaray ilaa 25% dadweynaha, halka tirada dadka saboolka ah lagu qiyaasay ilaa 11 milyan. oo ka mid ah dadweynaha dalka oo dhan 42 milyan.

Bisha Ramadaan oo ah bil cibaado ayaa sannadkiiba mar soo marta inta nasiibka u hesha inay gaarto, waa maalmo aan la hubin inay dib inoo soo mari karto, madaama ay tusaale innoogu filan yihiin asxaab sannadkii hore nala soontay balse hadda Marxuumiin ah. Falka bogaadinta mudan ee uu ku dhaqaaqay tukaanlahan ayaa dad badan cashar u ah maadaama is cafinta iyo isu kaalmeynta bulshada dhexdeeda ah ay tahay mid wanaagsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.